Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo Maanta ka kacay Suuq ku yaalla Magaalada Jigjig ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan halka loo yaqaano taywanka, waxaana dabkaas uu geystay khasaaro nafeed iyo hantiyadeed.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dabka marka hore hal Dukaan uu ka bilaawday, balse markii dambe uu ku faafay goobo ganacsi oo kale, waxaana uu sababay geerida hal qof oo Ganacsade ahaa iyo gubashada Hanti farabadan.
Xubno ka tirsan laamaha Amniga dowlad degaanka Soomaalidda oo uu horkacayo madaxweyne kuxigeenka DDS, Ibraahim Cusmaan Faarax iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada nool magaalada jigjiga ayaa tegay Suuqa dabka uu ka kacay, iyaga oo ku guuleystay inay demiyaan.
Mas’uuliyiinta laamaha Amniga ee dowlad degaanka ayaa waxaa ay sheegeen in uu jiro dad ku dhaawacmay dabka, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada HJigjiga si halkaasi loogu daweeyo, sidoo kalena ay wadaan baritaano la xiriira sababta keentay dabka.