WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Ciidanka Haramcad oo si halis ah gacanta ugu dhigay Qaraxyo la diyaarinayey

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay howlgal qorsheysan oo ciidanka gaarka ah ee la dagaalanka argagixisada ka fuliyeen degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalkaas ay fuliyeen Ciidanka lagu soo qabtay miinooyin la diyaarinayey iyo hub kale oo wax lagu gumaado.

Ciidamo ka tirsan kuwa Boolisak Haramcad ayuu tilmaamay Afhayeenka in howlgalka qorsheysan kusoo saareen miinooyinka Farsamo ku socotay, Banbaanooyin Gacmeedyo iyo baaruuda Miinooyinka loo isticmaalo.

“Cutubka La dagaallanka Argagixisada Boliiska Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan oo uu ka fuliyay degmada Afgooye ayaa Gacanta ku soo dhigay Miinooyin Farsamo ku socotay, Banbaanooyin Gacmeedyo iyo baaruuda Miinooyinka loo isticmaalo” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Cabdifitaax Aadan Xasan

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa Carabka ku dhuftay inay ku daba jiraan shaqsiyaadkii ku lug lahaa farsamada qaraxyadan, ayna sii socon doonaan howlgalada noocan ah ee lagu xaqiijinayo amaanka.

 

 

SAWIRRO:-Ciidanka Haramcad oo si halis ah gacanta ugu dhigay Qaraxyo la diyaarinayey
To Top