Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa Maanta ka furmay Shirweynaha Ganacsiga iyo maalgashiga ee SSC-Khaatumo, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay qaban-qaabadiisa ka socotay magaaladaasi.
Shirka ayaa waxaa daahfuray Madaxweynaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabduqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, waxaana shirweynaha ka qeyb galaya Mas’uuliyiinta Maamulka, Ganacsato, aqoonyahano, qurbo-joog iyo Marti sharaf kale oo la casuumay.
Shirweynaha Ganacsiga iyo maalgashiga ee SSC-Khaatumo ayaa Laascaanood ka socon doona laba maalmood, iyadoona inta uu socdo shirka ay khudbado ka jeedin doonaan Madaxda iyo xubnaha kale ee ka qeyb galaya shirweynahaasi.
Sidoo kale Shirka ayaa waxaa lagu soo Bandhigi doonaa fursadaha maalgashi ee ka jira deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo ee loo baahan yahay in Ganacsatada ay maalgashtaan.