WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaliin ku galay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, isagoo ku sii jeeda caasimadda Boqortooyada Sacuudiga ee Riyadh.

Xasan Sheekh ayaa halkaasi kaga qeybgeli doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, kadibna uu halkaasi ku galey qaliin yar oo dhanka garabka looga sameeyay, isla markaana uu sii wanaaagsan uga bogsadey qaliinkaasi yar ee caafimaad ee uu marey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi kadib si rasmi ah ugu soo laabanaya dalka si uu u guto waajibaadkiisa shaqo oo ay ugu horeyso dagaalka dalka looga xorreynayo Al Shabab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaliin ku galay Imaaraadka Carabta
To Top