Muqdisho (HM)– Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya [NISA], C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu siiyay Universal TV kaga hadlay arrimo dhowr ah, oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee wadanka.
Sanbaloolshe ayaa eedymo culus u jeediyay madaxda Villa Somalia, oo ku eedeeyay inay isku soo koobeen taladii dalka, islamarkaana ay mas’uul ka yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee la degay dalka.
Siyaasigan ayaa soo dhaweeyay Caleemo saarkii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, balse waxaa wax laga xumaado uu ku tilmaamay go’aaminta dhanka safarka ee dowladda Federaalka.
Sanbaloolshe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii uu Salaad Cali Jeelle ugu gefay marti-sharaftii iyo madaxdii ka qeybgashay caleemo saarkii Kismaayo, oo uu ku tilmaamay “dulaaliin”.
“Salaad hadaladaas uu leeyahay , dadka soo dirsaday kuma dhiiradeen, waa ceeb in wax yaabaha qaarkood ku hadlo, dadka Soomaaliyeed ixtiraam ayay ka mudan yihiin,” ayuu yiri Sanbaloolshe.
Dadkii Soomaaliyeed ee isagu tagay Kismaayo ayuu ku tilmaamay inay muujiyeen Soomaalinimo, islamarkaana ay soo bandhigeen in iyagoo lagu dhex-jirin ay ka tashan karaan mustaqbalka dalka.
Taliyihii hore ee NISA ayaa sheegay in hogaamiyeyaasha dowladda Federaalka looga baahan yahay inay dhisaan kasoonida iyo is-aaminaadda shacabka, taasoo ku xiran yahay jiritaankeeda iyo awoodeeda.
Sanbaloolshe ayaa daboolka ka qaadey in Muqdisho laga dhigay meel ciriiri siyaasadeed [Shrinking Political space] ka jiro, oo lagu caburiyo siyaasiyiinta feker ahaan kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya.
“Wixii Kismaayo ka dhacay [Caleemo saarkii Axmed Maxamed Islaam] waa wax lagu faano, ee ma qabo in la dhaleeceeyo,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Waxuu wax aan micno badan lahayn kasoo qaadey Sanbaloolshe raali-ahaanshaheeda doorashadii ka dhacday Kismaayo, balse wuxuu ku baaqay in la meel la iska dhigo wixii tagey, oo hadda la abuuro jawi wadashaqeyn ah oo u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.
Sanbaloolshe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu damaciisa gaarka ah meel iska dhigo, lana shaqeeyo dowlad goboleedyada, si dalka looga saaro xaaladda uu hadda ku jiro, islamarkaana laga adkaado Al-Shabaab.
Waxa uu ku tilmaamay dadka hadda haya talada Soomaaliya kuwa ku shaqeeya aragtida qaldan oo ah “facaa iska-celi iyo anigaa iri la igama daba hadli karo”, taasina aan dalkan mudada dheer colaadaha iyo khilaafyada siyaasadeed kusoo jiray aan lagu maamuli karin.
“Dadka hadda talada haya, dowladnimada waxay u haystaan facaa iska-celi, anaa iri la igama daba-hadli karo,” ayuu Sanbaloolshe ku jawaabey mar su’aal laga waydiiyay jahwareerka hogaanka ka jira.
Sanbaloolshe waxa uu daboolka ka qaadey in Al-Shabaab ay xogta ka heshay hay’adaha dowladda dhex-dhexdooda, taasina ay fashiliso marwalba qorshaha dalka lagu xoreynayo, ilamarkaana lagu soo celinayo amniga iyo kala dambeynta.