WARARKA SOOMAALI

Sacuudiga oo marti-gelinayo Shirweyne Carbeed oo Degdeg ah

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Hossam Zaki ayaa sheegay in Shirweyne degdeg ah ay Golaha  Ururka Jaamacada Carabta ku yeelan doonaan Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh bisha soo socota ee November 11-da.

Hossam Zaki ayaa waxa uu tilmaamay in Xoghaynta Ururka Jaamacadda Carabta ay Codsiga Kulankaasi ka heleen Sacuudiga iyo Falastiin oo iyagu dalbaday Kulankaasi aan caadiga ahayn.

Bishn October 28-dii, Madaxweynaha Maamulka Falastiin,  Maxamuud Cabaas Abu Maasim ayaa waxa uu Madaxda Carbeed ugu baaqay Shirweyne  Degdega ah oo looga arrinsanayo sidii loo joojin lahaa Tacadiyada ka dhanka ah dadka Reer Falastiin.

Dowladdaha Carbeed waxay ku kala qeybsan yihiin sidii Mowqif Mideysan looga qaadan lahaa Tacadiyada iyo Xasuuqa ay Milliteriga israel ku hayaan dadka Rayidka ee Falastiin.

Si kastaba, Xiisaddan colaadeed ee ka dhex aloosan XAMAAS iyo Israel ayaa waxay bilaabantay bishan October 7-dii,  kadib, markii ay Dagaalamayaasha Xarakada XAMAAS ay weerar qorsheysan ku qaadeen gudaha Israel, oo ay boqolaal yuhuud ah ay soo qafaasheen, kuwa kalena ku dileen, sida la sheegay.

Sacuudiga oo marti-gelinayo Shirweyne Carbeed oo Degdeg ah
To Top