WARARKA SOOMAALI

Saciid Deni oo xilkii ka qaaday Wasiir ku dhawaa Wasiiro cusubna magacaabay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas Xasan Shire Abgaal, sidoo kalena magacaabay Wasiiro cusub oo kamid noqonaya Maamulkiisa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa xilka Wasiirada Wasaaradda Maaliyadda Puntland loogu magacaabay inuu noqdo Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo horey u ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda    shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Puntland.

Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday:  Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

3- Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga

4- Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

5-Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

6- Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Saciid Deni oo xilkii ka qaaday Wasiir ku dhawaa Wasiiro cusubna magacaabay
To Top