WARARKA SOOMAALI

Saciid Deni oo magacaabay Guddiga Amiga Doorashooyimka Puntlabd

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 68 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Amniga Doorashada.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland ayuu ku magacaabay Guddiga aniga doorashooyinka, kuwaasi oo ka kooban 7-xubnood.

Wareegtada ayaa u qorneyd.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiis 80-aad

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadooda.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la adkeeyo ammaanka mudada doorashadu socoto.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay Guddiga Amniga Doorashooyinka xubnaha hoos ku xusan oo kala ah:-

1-Wasiir Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Guddoomiye)

2-Lataliye Cabdi Xirsi Cali Qarjab (Xubin)

3- S/guuto Muumin Cabdi Shire (Xubin)

4- S/guuto Aadan Cabdi Xaashi (Xubin)

5- S/guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) (Xubin)

6-S/guuto Jamaal Carab Yuusuf (Xubin)
7-S/gaas Muxiyadiin Axmed Muuse (Xubin)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

Saciid Deni oo magacaabay Guddiga Amiga Doorashooyimka Puntlabd
To Top