WARARKA SOOMAALI

Saadaq John oo Maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa ku guuleystay kursiga Hop248 ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo doorashadiisa Maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

Saadaq ayaa helay 81 Cod halka Cabdullahi Xersi Diirshe oo la tartamayay uu helay 17 cod, waxaana halaabay laba cod, sida ay Natiijada ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Maamulka Galmudug.

Kursigaan uu Maanta ku guuleystay Janeraal Saadaq Cumar Xasan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Maxamed Axmed Abtidoon.

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa horey u ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, waxaana derajada Sarrreeye Guuto laga qaaday bishii April ee sanadkii hore, kadib markii uu sheegay inuu hor istaagay fadhi uu lahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Saadaq John oo Maanta loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka
To Top