WARARKA SOOMAALI

RW Xamse oo Maanta Shirweyne uga qeyb galaya Magaalada Tunis

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa xalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale, waxaana intaas kadib loo galbiyey Xarunta Madaxtooyada.

Hamza Abdi Barre ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa  (TICAD) kaasi oo maanta ka furmaya magaalada Tunis – shirku waxa uu socon doona labada maalmood ee soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya ku wehlinaaya qaar kamid ah Golhiisa Wasiirada Xukuumadda.

RW Xamse oo Maanta Shirweyne uga qeyb galaya Magaalada Tunis
To Top