Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadiyay soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda.
Ra’iisal Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa u rajeeyay doorashadu Aqalka sare ee ka dhaceysa magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Baay in ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan.
“Waxaan Madaxweyne Laftagareen iyo guddiga doorashada Koofur Galbeed ku bogaadinayaa soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda anigoo u rajeynaya in doorashadu ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan” ayuu yiri Rooble.
Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa gelinkii shalay ee shaaciyay magacyada xubnaha Musharaxiinta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo doorashadooda dhici doonta maalinta berri oo Isniin ah.
Musharaxiinta lasoo gudbiyay ayaa gaaraya 10 Musharax oo afar ka mid ah ay Haween yihiin, isla markaana ku tartami doona Kuraasta Aqalka Sare, waxaana ku jiray Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Aadan Cabdinaasir.