SOMALI NEWS

RW Rooble oo war kasoo saaray geerida Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku Timid Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Sheikh Shariif Sheikh Muxyadiin Celi.

Rooble oo soo saaray Qoraal ayaa Sheikha Alle uga baryay in uu Jannadii Firdows ugu deeqo ehelkiisa, asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxaan  qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Sheikh Shariif Sheikh Muxyadiin Celi oo Miqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Sheikhu waxa uu ka mid ahaa culimada waaweyn iyo aqoonyahanka dalka ee kaalinta weyn ku lahaa faafinta diinta islaamka, nabadda iyo wacyigelinta bulshada. Waxaan Allaha weyn uga baryayaa in uu Jannadii Firdows ugu deeqo ehelkiisa, asxaabtiisii iyo Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Ayuu yiri RW Rooble”

RW Rooble oo war kasoo saaray geerida Sheekh Shariif Sheekh Muxayadiin Celi
To Top