WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo Q/Midoobay kala hadlay wax ka qabashada xaalad adeg oo taagan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ka wada hadlay xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannada Maamulka Jubbaland oo ay abaaruhu saameeyeen.

Kulankan ayaa daba socda baaq uu Ra’iisal Wasaaraha u diray hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamkan oo ku aadan in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubbaland iyo deegaanno kale oo dalka ah.

Abaaro baahsan iyo biyo la’aan ayaa muddooyinkii dambe ka jirta inta badan deegaanada dowlad Goboleedka Jubbaland, isla markaana waxaa ay abaarta saameeyn xoogan ku yeelatay dadka iyo duunyada, iyadoo ay ku le’deen xoolo farabadan oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah.

RW Rooble oo Q/Midoobay kala hadlay wax ka qabashada xaalad adeg oo taagan
To Top