Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxda qeybaha Warbaahinta ee ka howlgala caasimadda iyo gobolada dalka.
Kulankaasi, waxaa R/wasaaruhu uu kaga waramay muhiimadda ay leeyihiin warbaahinta, gaar ahaan xilligan adage e uu dalku ku jiro u diyaargarowga doorashooyinka, isagoo ku boorriyey in ay xoojiyaan doorkooda ku aadan wacyiginta bulshada.
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe, iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala ayaa sidoo kale ka qeybgalay kulankaasi.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan Madaxda warbaahinta Magaalada Muqdisho, waxaana Madaxda uu Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey sida wanaagsan ay u abaqleen dalabkii isaga kaga yimid.
