WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo hay’addaha Amniga amray baarista Weerarkii iyo Qaraxyadii dhacay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada muqdisho kulan kula yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyeyaasha Hay’adaha Amniga dalka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ay warbixin ka siiyeen xaaladda Amni ee dalka iyo dhacdooyinkii uu dambeeyay ee dhacay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagixiso ee u dambeeyay ee ka kala dhacay muqdisho iyo  Beledweyne iyo dardar gelinta howlaha amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kulan la qaatay Saraakiisha Hay’adaha Amniga, isaga oo kala hadlay weeraradii dhimashada sababay ee ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne.

RW Rooble oo hay’addaha Amniga amray baarista Weerarkii iyo Qaraxyadii dhacay
To Top