WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo la kulmay Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, xili…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen ayaa Maanta kulan la qaatay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Xildhibaanada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha iyo diyaar garowga doorashada.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu Xildhibaanada u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada, gaar ahaanna kuraasta Gobolada Waqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi (Somaliland) uu khilaaf xoogan ka dhexeeyo, isla markaana ay xubnaha Guddiga kala dageen laba hotel, ayna doorteen Guddoono iska soo horjeeda.

SOMALI NEWS

To Top