Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza.
Inta uu socday kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal, habsami u socodka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar oo ay ka hirgelineyso Soomaaliya iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Safiirka Qatar u sheegay in dowladda Federaalka ka go’an tahay in dalka ay qabsoonto doorasho heshiis lagu wada yahay, isla markaana ay wadaan dardar-gelinta fulinta heshiiskii la gaaray.
Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya Danjire Xasan Xamza ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa, isagoona xusay inay sii wadani doonaan taageerada ay siiyaan dowladda.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
