WARARKA SOOMAALI

Ruushka oo War yaab leh kasoo saaray Amarkii Maxkamadda ICC ee MW Putin

Gelinkii dambe ee shalay oo Jimco ahayd (March 17, 2023) ayaa waxaa Maxkamadda dembiyadda caalamiga ee soo saartay Amar lagu soo xirayo Madaxweynaha dalka Ruushka,  Vladimir Putin iyo Madaxa Golaha Ruushka ugu qaabilsan xuquuqda carruurta, Maria Alexeyevna Lvova-Belova.

Maxkamadda ICC ayaa ku eedeysay Madaxweyne Putin iyo Maria Lvova-Belova inay dembiyo Dagaal ka galeen dalka Ukraine iyo inay sifo sharci ahayn Carruur iyo dad kaleka daad-gureeyeen Xuduudaha Ukraine, isla markaana ay u gudbiyeen gudaha dalka Federalka Ruushka (The Russian Federation).

Dowladda Ruushka ayaa waxaa  beenisay Eedeymahaasi,  iyadoo Go’aanka Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga (ICC) ku tilmaamay mid aan micno lahayn.

Afhayeenada Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Maria Zakharova waxay Amarka ka soo baxay Maxkamadda ICC kaga Fal celisay Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Telegram, waxayna ku tiri: “Go’aanada Maxkamadda ICC wax qiimo uma laha dalkeena, oo ay ku jirto marka laga eego Qoddobka sharciga ah”.

Sida laga soo xigtay Afhayeenka Aqalka Kremlin ee looga arrimiyo dalka Ruushka, Dmitry Peskov waxa uu tilmaamay in Go’aanada Maxkamadda ICC keenayso wax laga yimaado oo aan la qaali Karin iyo in Go’aan kasta oo ay Maxkamadda ICC gaarto yihion kuwo baadil ah oo aysan waxba ka jirin.
Ruushka oo War yaab leh kasoo saaray Amarkii Maxkamadda ICC ee MW Putin
To Top