WARARKA SOOMAALI

Rooble oo Madaxda Maaamul Goboleedyada u gudbiyey cabashooyin ay qabaan Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada gaar ahaan tan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Muqdisho, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo dardargelintooda

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Madaxweyneyaasha  Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa  caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Rooble oo Madaxda Maaamul Goboleedyada u gudbiyey cabashooyin ay qabaan Mucaaradka
To Top