WARARKA SOOMAALI

Rooble iyo Musharaxiinta oo Guddi u saaray baarista dhacdadii 19-kii Febraayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa Guddi u magacaabay baarista weerarkii lagu qaaday Musharaxiinta iyo rasaas lagu furay xubno ka tirsan Midowga.

Saraakiil hore oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Federaalka ayaa loo saaray Baaritaanka dhacdooyinkii 19-kii Febraayo 2021 ee lagu weeraray Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, xili ay ku sugnaayen Hotelka Maa’ida ee ku dhow Mdaxtooyada.

Guddigaan ayaa sidoo kale baaris ku sameeyn doona rasaastii Ciidamo ka tirsan dowladda ku fureen bnanaanbaxayaal ay hoggaaminayeen Musharaxiinta kala ah C/raxmaan C/Shakuur, RW hore Kheyre iyo C/kariin Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood in ay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah;

Guddiga loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo ayaa waxaa ay kala yihiin;

1- S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.

2- Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji

3-S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare

4- S/Guuto Maxamed Cali Bariise

5- G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud

6- Xuseen Macalin Maxamuud

SOMALI NEWS

To Top