Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Xildhibaanada golaha Shacabka kahor jeediyay khudbad uu uga hadlay waxqabadka 100-kii maalmood ee Xukuumadda.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisa waxyaabaha u qabsoomay inta uu xilka haayay ay kamid yihiin Arrimaha Amniga, Horumarinta dhaqaalaha, adeega bulshada, cadaalada, dowlad wanaaga, la dagaalanka musuq maasuqa, dib u eegista Dastuurka iyo dhab u heshiisiinta.
Waxaa uu sheegay Xukuumaddiisa amniga dalka wax ka qabatay, isla markaana furtay waddooyin dhowr ah oo ku yaalla Caasimadda dalka ee Muqdisho oo xirnaa muddo, sidoo kalena laamaha amniga ay wax badan qabteen.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ayaa tiilmaamay in aan marnaba la qabali doonin in la khal-khal geliyo amniga dalka, isagoo xusay in dowladnimada ay dadka Soomaaliyeed ugu fadhido micno weyn.
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in diyaar u yahay xalinta khilaafka ka taagan doorashada, isla markaana dowladda Federaalka ay waddo dadaado kala duwan oo lagu xalinayo khilaafyada jira.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal mug leh ku bixinayso fududeynta shirkan Madaxda dowladda, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir eek a dhacaya Magaalada Garoowe iyo sidii loo dardar gelin lahaa fulinta Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 ee hagayay hannaanka doorashooyinka dalka.