Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Maqaayad ku taalla Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tacsi ah u diray dadkii waxyeelada kasoo gaartay Qaraxaxii Is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday dad isugu jiray Shacab ah iyo Askar ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Maqaayad ku taala Isgoyska Jubba.
“Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.
Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen 10 qof, halka dad kalena ay dhaawacmeen
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxaas, isla markaana sheegay inay la beegsadeen Askar iyo shaqaale dowladeed oo ku sugnaa Maqaayada oo dhimasho iyo dhaawac ah ku noqday