Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxeen Saraakiishii iyo dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qarixii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in falkaas uu ahaa mid ka fog naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummaddaha Islaamka, isla markaana muhiim ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ummadda Soomaaliyeed iyo dowladuba ay diyaar u yihiin sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada caadeysatay daadinta dhiigga Muslimiinta.
In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyooday Qaraxii is-miidaaminta ahee ka dhacay Garoonka Cabdullaahi Ciise, halka dad ku dhow 20 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaaren, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxaas ka dhaday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, iyagoona sheegtay in goobta ay ka socotay Munaasabad lagu soo dhaweynaya RW Rooble ku dileen Saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.