WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caawa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddiga heer Wasiir ee uu u xilsaaray xaqiijinta ergooyinka waxa ay sameeyeen dadaal aad u badan si loo dhageysto cabashooyinka tixgalinta mudan ee la xiriiray xubnaha guddiga.

 Iyada oo la tixgalinayo Halbeegga la dajiyay Hishiiskii 17ka September ee sifooyinka looga baahan yahay qof ka mid noqonaya Guddiyada Doorashooyinka ,waxa marka ugu horreysay liiska laga saaray 34 xubnood oo ka mid ahaa 67da xubnood oo cabasho laga keenay . Waxa lagu celiyay dhinacyadii ay markii hore ka yimaadeen si loo soo badalo xubnahaas ,muddo kadib dhamaan Dowlad Goboleedyada iyo Somaliland waa ay soo gudbiyeen liisaskii wax ka badalka lagu soo sameeyay ,si kala hufid hor leh xubnihii la soo badalay waxa laga helay 6 xubnood oo aan buuxin shuruudaha looga baahan yahay xubnaha guddiga,tani ayaa waxa ay ka dhigeysaa liiska laga saaray guddiyada 40 xubnood.

Halkaan hoose ka Akhriso dhammaan xubnaha Guddiyada oo dhammeystiran.

SOMALI NEWS

To Top