WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta ku wajahan Magaalada Nairobi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan Magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuro Kenyatta, waxaana la filaya in Rooble iyo Kenyatta wada-hadalo ku yeeshaan magaalada Nairobi.

Labada mas’uul ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadli doona adkaynta xiriirka labada waddan iyo iskaashiga dhinacyada Amniga, Socdaalka iyo Ganacsiga.

Maalin ka hor Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Waxa xusid mudan, in xukuumadda Federaalka Soonaaliya oo War soo saartay kulankaas kadib ay caddaysay in arrinta badda aysan ku jirin qodobada laga wada-hadlay.

SOMALI NEWS

To Top