WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika Mr. Keith Hansen iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Agaasime Mr. Keith Hansen ayaa kulankooda waxaa ay uga hadleen dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Soomaaliya iyo kuwa qorsheysan.

Ra’iisul Waaaaraha ayaa  uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageeradiisa hay’adaha dowladda iyo horumarinta midaamka maaliyadeed ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahan waday kulamo kala duwan oo ku aaddan doorashooyinka dalka,isagoo kulmo la qaatay qaar ka mid ah Saaxiibada Beesha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Bangiga Adduunka
To Top