featured2

Golaha Wakiillada Puntland Oo Ka Dooday Wax-Ka-Bedelka Xeerka Khamriga

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad  Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad  ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland .

Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha Dawlad Goboleedka Puntland oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadibna markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan.

 

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya ciqaabta iyo ganaaxyadda ay muddan karaan haddii lagu qabto shaqaalaha Dawladda, mas’uuliyiinta Dawladda ee Xasaanadda leh iyo kuwa aan laheyn, Ciidamada Nabad-gelyada, Guryaha lagu iibiyo laguna kariyo maandooriyaha, hubka lagu soo qabto hawl-gallada la dagaalanka maandooriyaha, lacagaha lagu soo qabto.

Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-bedelka Xeerka  La dagaalka Maandooriyaha Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 35, Diidmo 2 Mudane, haka aysan jirin cid ka aamustay.

Waxaa reebban sameynta, keenidda, beerista, gacan-siinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyada Maandooriyaha sida uu qabo Xeerka.

Golaha Wakiillada Puntland Oo Ka Dooday Wax-Ka-Bedelka Xeerka Khamriga
To Top