WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Safiirka Sacuudiga ee dalka…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo sabti ah xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla Alsalmaan.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Safiirka Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla uu dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah oo ka timid Xarunta Gargaarka Boqor Salmaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Dowladda Sacuudiga iyo Boqor Salmaan uga mahadceliyay Deeqda Boqortooyada Sacuudiga soo gaarsiisay dalka Soomaaliya, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay, taageeradooda joogtada ah oo ay siiyaan Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla Alsalmaan oo dalka soo gaarsiiyay deeq macaawino ah oo ka timid Xarunta  Gargaarka Boqor Salmaan” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta RW Rooble.

Faah faahin intaas ka badan lagama bixin kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Sacuudiga ee Kenya Khaalid Cabdalla Alsalmaan.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Safiirka Sacuudiga ee dalka…
To Top