WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in dalka uu galay xaalad Deg-deg ah, xili ay…

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhowayd ku dhowaaqay inay dalka ka jrto xalad deg deg ah oo bani’aadaminnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ku baahiyey bartiisa twitterka. Waxa uu sheegay inuu tallaabadan u qaaday sababtoo ah abaaraha waddanka ku dhuftay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay kaalmo dibedda iyo gudaha labada ka timaada si dadka abaaruhu saameeyeen loogu gurmado.

Qaramada Midoobay ayaa tododbaadkan sheegtay inay abaartu saamaysay 80% waddanka kadib markii saddex xilli oo isku xigta la waayey roobabkii.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa ka digtay in xaaladda abaaruhu kasii dari doonaan bisha December ee soo socota iyo saddexda bilood ee ugu horreeya sannadka 2022-ka.

Abaarta ayaa la sheegay inay si daran ugu dhufatay gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka. Meelaha sida aad ah ay u saamaysay waxaa ka mid ah gobollada Jubada Hoose, Gedo, Hiiraan, Bay iyo Bakool iyo gobollo kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku dhawaaqay in dalka uu galay xaalad Deg-deg ah, xili ay…
To Top