WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo isku bedelay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga  JFS ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.

Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

Tallaabada ayaa kusoo beegantay, xili uu jiro khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana labada dhinac ay isku kala jeediyeen eedeymo Culus.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo isku bedelay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda
To Top