WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Qaahira iyo ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Maanta ka ambabaxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa goor dhow gaaray Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Qaahira ayaa Ra’iisul Wasaare iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dalkaas.

Ra’iisuk Wasaaraha Xukuumadda ayaa Casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisii, iyagoona kulan gaar ah yeelan doona, isla markaana ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado, tan iyo markii uu la wareegay mas’uuliyadda amni iyo doorasho ee marxalada kala guurka ee uu dalka Soomaaliya ku jiro.

SOMALI NEWS

To Top