WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Abu Dhabi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tagay dalkaas, tan iyo sanadkii 2018.

Rooble ayaa dhowaan Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadan, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu diiday in lacagtaas laga bixiyo Bankiga dhexe ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray Magaalada Abu Dhabi
To Top