WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka digay muddo kordhin ku timaada doorashada Soomaaliya-Akhriso

Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay doorashada 2020-2021, ayaa caddeeyay inay dhici doonin muddo kordhin ayna muhiim tahay in doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.

“Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu yidhi isaga oo maanta shir gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Ra’iisul  Wasaare Kheyre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo wadatashi ku saleysan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Intii shirka socday ayaa qaar ka mid ah Wasiirada waxay soo jeediyeen in Ra’iisul Wasaaruhu uu tago Dhuusamareeb, si uu ula kulmo Maamul goboleedyada oo ku shiraya magaalada Dhuusamareeb, inkastoo Wasiiro qaar ay diideen oo ay dalbadeen in laga war sugo shirkaas, maadaama Maamul goboleedyada ay diideen shirkii uu ku casuumay Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirrada ka qeyb galay shirka ayaa isku raacay in goluhu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dadar gelinta fududeynta sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho ummadda Soomaaliyeed ay isla ogoshahay oo xukuumadduna ay qaadato dowrka ay ku leedahay si ummadda Soomaaliyeed looga gudbiyo marxaladdaan.

Waa markii labaad oo Ra’iisul Wasaaruhu mowqif cad ka istaagay doorashada, kuna celiyay in doorasho ay dalka ka dhaceyso ay tahay mid laga wada tashtay, isagoo meesha ka saaray shakigii ku jiray muddo kororsiga.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top