Ra’iisul Wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Al-Khalid Al-Sabaax ayaa maanta oo Arbaca ah Is casilaadda xukuumadiisa u gudbiyay Amiirka dalkaas Shiikh Nawaaf Al-Axmad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Kuwayt.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii wasiirro ka tirsan xukuumadda ay shalay is casilaadooda u gudbiyeen ra’iisal wasaaraha.
Xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaas ayaa hore u codsaday in ra’iisal wasaaruhu hor yimaado baarlamaamnka si wax looga waydiiyo qaab dhismeedka xukuumadda
