WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson oo ka hadlay Musiibada ku dhacday Suuq Hargeysa

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Ingiriiska Boris Johnson ayaa dareenkiisa la qaybsaday Shacabka Somaliland ee xalay masiibada dabku ku habsatay gaar ahaan gubashada suuqa weyn ee Hargeysa.

“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le’eg ka kacay suuqa furan oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoys”ayuu yiri Boris Johnson.

Waxaanu isagoo hadalkiisa si wata yiri ”Magaaladiinu mar kale ayey dib u dhismi doontaa, UK-na waxay ku dadaali doontaa in aan taageerno dadaalka dib u dhiska ee Somaliland”.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabaya qoraalkaa Ra’iisal Wasaaraha ayaa u mahadceliyay Boris Johnson uga mahadceliyay taageerada ay ballan qaadeen, isagoona xusay inay socdaan qorshayaal lagu qiimeynayo khasaaraha dabka.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson oo ka hadlay Musiibada ku dhacday Suuq Hargeysa
To Top