Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali uu booqasho aan la shaacinin ku tegay caasimada dalka Eritrea ee Asmara.
Safarkaas ayaa dhacay bishan August 14-dii, xilli uu Abiy Ahmed ku sii wajahnaa Socdaalkii uu ku tegay dalka Turkiga.
Afhayeenada Xafiisyada RW Ethiopia, Arrimaha Dibedda iyo Gaashaandhiga kama aysan hadlin Xogta ku aadan Booqashada qarsoodiga ahayd ee uu ku tegay Asmara iyo Kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Issias Afeweki.
Labadan Hoggaamiye waxay leeyihiin Isbahaysi khaas ah, iyagoo Galaangal xooggan ku leh Arrimaha Guud ee dalalka Mandiqada Geeska Afrika.