WARARKA SOOMAALI

Rag watay Gaari ku Qaraxy Muqdisho oo la qabtay & Booliska oo hadlay

Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qarax barqanimadii Maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dayniile dhinaca agagaarka Ex-control Afgooye.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo Warbaahinta la hadlay ayaa u  sheegay in qaraxa uu ahaa mid gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana uu qarxay, xilli uu taagnaa barta Hubinta gaddiidka ee ciidanka Ciiltire.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in qaraxa la fashiliyay oo laga hortegay, isla markaana aysan jirin cid wax ku noqtay qaraxaasi xoogganaa ee maanta ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Ex-control Afgooye.

“Khawaarijtu gaari ku soo rareen Walxaha Qarxa, Barta Hubinta Gadiid ee Ciidanka Howlgalka Ciiltire, gaar ahaan Ciidanka Boliiska Soo maaliyeed, ayaa ka hortagay oo fashiliyay dhahartaas, intii dadka laga fogeynayay ayuu gaarigii qarxay” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa xusay in ciidanka ammaanka ee ku sugnaa barta uu gaarigu ku qarxay inay qabteen laba Nin oo watay gaariga, isagoona sheegay in raggaas la horgeyn doono cadaalada.

Rag watay Gaari ku Qaraxy Muqdisho oo la qabtay & Booliska oo hadlay
To Top