Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shirka Guddiga Farsamada ee Qaban qaabada shirka Wadatashiga Qaran oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Baydhabo.
Ra’iisul Wasaaraha oo habka fogaan aragga uga qeyb galay shirka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.
Guddigaan oo ka kooban 14-xubnoo ayaa waxaa Baydhabo uga furmay Shir looga hadlayo qodobada la isku mari waayay ee sababta u noqday fashilka shirkii Madaxda ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.
Shirka ayaa sidoo kale looga arrinsanayaan halka lagu qabanayo Shir ay isugu yimaadan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si heshiis looga gaaro khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya Shirka Maanta u furmay Guddiyada farsamada ayaa waxaa si dhow ula socota Beesha Caalamka oo ay damaanad qaad ka noqon doonaan wixii lagu heshiiyo.