Guddigii doorashada ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa saakay lagu xareeyay Hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo shalay la dejiyay Guddiyada doorasho ee heer dowlad Goboleedyada qaarkood.
Ilo ku dhow dhow xubno ka tirsan Guddiga doorashada Galmudug ee lagu muransan yahay ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu xalay ku soo wargeliyay xubnaha Guddiga uu horay u magacaabay inay Maanta xaroodaan.
Madaxweye Qoorqoor ayaa shalay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in aan la xareyn Guddiga Doorashada Galmudug, hayeeshee Go’aankii uu qaatay ayuu dib uga noqday Qoorqoor.
Dowladda ayaa xareysay Guddiyada doorashada ee maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno Guddiyadaas ay ku dartay dowladda Federaalka, kuwaasi oo Maanta tababar loo furay.
Tallaabada Madaxweyne Qoorqoor ku go’aansaday in la xareeyo guddigii doorashada ayaa meesha ka saareysa dhex dhexaadintii uu ka dhex waday Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo markii horeba ay jirtay in Musharaxiinta qaar ay dood geliyeen in aanu daacad ka aheyn dhex dhexaadinta uu wado.