WARARKA SOOMAALI

Qofkii ugu horeeyay oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya & kiisaskii ugu badnaa oo la shaaciyey-Akhriso

Muqdisho (HM)-Wasaaradda caafimaadka ee  Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeyay uu dalka Gudihiisa ugu geeriyooday cudurka Coronavirus.

Qofkan oo ahaa 58 jir aan dalka ka bixin ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalaa Muqdisho oo lagu magacaabo Aadan Cadde.

Shalay ayay aheyd markii wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay xaqiijisay qofkii 8aad ee laga helay cudurka Coronavirus inuu noqday qof aan wali dalka ka bixin oo 58 sano jir ah.

HALKAN KA DAAWO WARBIXIN

dhanka kale War-Saxaafadeed goordhow kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in cudurka Coronavirus uu ku faafayo gudaha dalka, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ilaa afar kiis oo cusub ayey shaacisay wasaaraddu “Waxay wasaaraddu xaqiijisay maantay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19, taas oo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12 kiis” ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay wasaarada.

Sidoo kale waxaa ka bogsooday hal qof, waxaana geerida qofkii u horeeya ee cudurkan u dhinta uu ka dhigayaa xaalada Soomaaliya mid halis oo laga yaabo in cudurkan uu goor horeba ku faafay dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo iyada hada laga helay kisaska ugu badan.

Bulshada Soomaaliyeed ayaan ku baraarugsanen halista cudurkan, taas oo ka liftay in si fudud ay isku qaadsiiyaan iyadoo walaac xooggan uu jiro.

 

 

SOMALI NEWS

To Top