Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka Magaalada Muqdisho uga socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.
Wakiilka QM James Swan ayaa si qota dheer uga hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka gaar ahaanna doorashooyinka dhacaya dhammaadka sandkaan 20202021 iyo sida ay u dhici karaan loogana baaqsan karo qalalaase ka dhasha.
Waxaa uu sheegay in doorashada ay noqoto mid loo dhan yahay oo cid walba qeyb ka tahay, waxaana uu u soo jeediyay dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay shir isugu yimaadaan oo lagu xaliyo arrimaha jira.
Hadalka James Swan ayaa ku soo aadaya xilli muran xooggan uu ka taagan yahay hannaankii loo maran soo xulista xubnha Guddiga doorashooyinka oo walaac ay ka muujiyeen Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.
Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa sheegay in xubnahaan aysan aheyn kuwa lagu kalsoonaan karo, isla markaana ay ku jiraan ciidamo ka tirsan NISA iyo qaar ka mid ah shaqaalaha xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.