WARARKA SOOMAALI

Qatar iyo Turkiga oo War kulul kasoo saaray Qaraxii lagu laayay Dhalinyarada

Dowladdaha Qatar iyo Turkiga ayaa si kulul u Cambareeyay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday dhalinyaro farabadan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo ku sugnaa Xerada ciidamada ee Muqdisho.

War-saxaafadeedyo kasoo baxay Turkiga iyo Qatar ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkii wuxushnimada ahaa ee Al-shabaab ku xasuuqday dhalinyaradii ku sugneyd afaafka hore ee Xerada tababarka Ciidamada ee Jeneral Dhega-bada.

Labada dowladooda ayaa ayaa waxaa ay tacsi u direen Ehelada, dowladda iyo shacabka oo ay ka baxeen dhalinyaradii la qarxiyey, iyagoona Alle uga baryay inuu u naxariisto intii dhimatay, halka kuwa dhaawacmay ay Caafimaad u rajeeyeen.

“Dowladda Qatar waxaa ay ku celineysa mowqifkeeda adag ee diidmada rabshadaha, argagixisada iyo falal dambiyeed, iyadoon loo eegin ujeedada iyo sababaha” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Qof isku soo xiray Jaakad walxaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyey dhalinyaro farabadan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo saf dheer ugu jiray diiwaan-gelin ka socotay Xerada tababarka Ciidamada ee Jeneral Dhega-badan ee Muqdisho, waxaana Mas’uuliyada weerarka sheegtay Al-shabaab.

SOMALI NEWS

To Top