WARARKA SOOMAALI

Qaraxyo lagu qabtay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay

Ciidamada amaanka maamul gobaleedka Puntland aya Xalay howlgallo culus oo  qorsheysanaa waxa ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga gobolka Bari ee Puntland.

Howlgalkaan oo uu hoggaaminayay taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari ayaa lagu qabtay Hub iyo qaraxyo lagu diyaarinayay xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso,iyaga oo sheegay in fashilyeen qaraxyadaas.

Taliyaha qeybta boliiska ayaa tilmaamay in hub u Badan Rasaas iyo Maaddooyin laga sameeyo qaraxyada oo Alshabaab ay diyaariyeen si Bulshada ay ugu dhibaateeyaan ay Gacanta ku dhigeen.

Dhinaca kalana Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud Ayaa Sheegay in Waqti Walba ay ku bixiin donaan sidii looga dabar goyn lahaa Gobalka Bari dagaalamayaasha Alshabaab.

Ugu dambeyn waxa uu cadeeyay in ay sii wedi doonaan howlgalada nuucaan oo kala isaga oo ugu baaqay shacabka magaalada Boosaaso in ay Gacan ka geystaan sugida amniga magaladooda.

SOMALI NEWS

To Top