WARARKA SOOMAALI

Qaramadda Midoobey oo soo bandhigtay tirada dadka lagu dilay Soomaaliya 2016/2017-Akhriso

Xafiisk Qaramada Midoobey u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan tirada dadka lagu dilay Soomaaliya laga soo bilaabo 2016 illaa 2017.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya waxyeelo loogu gaystay 4,585 qof oo isugu jira dil iyo dhaawac, laga soo bilaabo January 2016 ilaa 14-ka Oktoobar 2017.

Tirada dhimashada ayaa lagu sheegay 2,078. Halka dhaawacu na yahay 2,507 qof.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu yiri waxyeelada loo geysto dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa gaartay labo jibaar 100%.

Halkan hoose ka akhriso shax ku saabsan goobaha waxyeelooyinka ka dhaceen iyo tirada guud.

SOMALI NEWS

To Top