WARARKA SOOMAALI

Qaramadda Midoobay oo digniin culus kasoo saartay xaalada Soomaaliya-Akhriso

 Muqdisho (HM) – Qaramada Midoobay ayaa ugu yeedhay beesha caalamka inay gacan ka siiso dalka Soomaaliya sidii looga hor tagi lahaa dhibaatada weyn ee bini’aadanimo ee ka dhashay saameynta wadajirka ah ee daadadka, Ayaxa iyo saameynta balaadhan ee cudurka COVID-19.

Justin Brady, oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ee Soomaaliya ayaa ka digay in guulihii siyaasadeed iyo amni ee ay Soomaaliya ka gaadheen sannadihii la soo dhaafay ay qatar ugu jirto in dib loo noqdo haddii aan tallaabo deg deg ah la qaadin si looga hortago dhibaatada.


Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa ayaa lagu yidhi”Sidaa darteed, saameynta fatahaadaha, ayaxa iyo COVID-19 waxay awood uleeyihiin inay ka leexdaan qaar ka mid ah guulihii siyaasadeed iyo amni ee ay beesha caalamku maalgalisay tobankii sano ee lasoo dhaafay,”.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, qiyaastii 500,000 oo qof ayaa ku barokacay daadadkii ugu dambeeyay gobollada dhexe ee Soomaaliya, halka waddanku uu sidoo kale la tacaalayo Covdi19 oo halis ku ah amniga cunnada iyo nafaqada dad badan.

Soomaaliya ayaa sidoo kale wax ka qabaneysa faafitaanka COVID-19 iyada oo tirada guud ee la xaqiijiyay ay gaadhayso 2,089, 390 soo kabasho ah iyo 79 dhimasho ah illaa Talaadadii.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in masiibadaas ay horseedday carqalado dhaqan-dhaqaale oo balaadhan oo ku baahsan guud ahaan Soomaaliya, oo ay ka mid tahay hoos u dhaca xawaaladaha Qurba-joogta sababo la xidhiidha xannibaadaha COVID-19.

SOMALI NEWS

To Top