WARARKA SOOMAALI

Qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee Shirka Madaxda oo ka socota Muqdisho

Diyaar garowga shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyada oo lagu balansan yahay in uu maalinta berri ah ka furmo magaaladda Muqdisho ayaa meel gabagabo ah maraaya.

Guddiyadda farsamada oo maalmihii u danbeeyey waday diyaarinta shirkan ku saabsan arrimaha doorashooyinka Dalka ayaa intiisa badan soo gaba gabeeyay hawlihii ay wadeen.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo weli Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada aysan wax heshiis ka gaarin.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda magaaladda Muqdisho ay soo gaaraan madaxda Maamul Goboleedyadda ee ka qeyb galaya shirkan oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17 September ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top