WARARKA SOOMAALI

Puntland Siciid Deni oo Qado sharaf u sameeyay Saraakiishii kasoo baxsatay Soomaliland..

Garoowe ( HM) Madaxweynaha Maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaaasibad Qado sharaf ah u sameeyay Saraakiishii Ciidamada Gobolka Sanaag ee kasoo baxay maamulka Somaliland, kuna soo wareegay dhinaca Puntland iyo Guudoomiyihii gobolkaasi ee Somaliland.

Ujeedka kulanka qado sharafta ah ayaa daaranaa soo dhoweynta Saraakiisha Ciidamadaasi hogaaminayey oo kala ah G/Sare Xuseen Faarax Aaden (Xuseen Dheere), G/Sare Cabdirashiid Axmed Jaamac Nuur(Xayle) iyo Guddoomiyihii Maamulka Somaliland ee gobolka Sanaag Cali Xuseen Soomaali.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyay go’aanka taariikhiga ah ee ay qaateen Ciidamada iyo doorkii shacabka gobolka Sanaag ay muujiyeen, wuxuuna Madaxweynuhu kula dardaarmay dhammaan Saraakiisha Ciidanka inay gutaan waajibaadka Dastuuriga ah ee difaaca dalka iyo dadka.

Kulanka qado sharafta ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daarood), masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddomiyeyaaĺ hore ee Golaha Wakiillada Puntland, odeyaal dhaqameed, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

SOMALI NEWS

To Top