Qodob ka mid aha War-muriyeedkii shalay ka soo baxay Shirkii wadatashiga Garowe ayay Puntland ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay jebisay Heshiiskii dhismaha ciidanka Qaranka ee la saxiixay sannadkii 2017, kaasoo dhigayay in dalka loo dhiso Ciidamo midaysan oo heer Qaran ah.
HALKAN KA DAAWO WAR-MURTIYEEDKA
“Shirweynuhu wuxuu walaac ka muujiyey in ay dowlada federaalku dhiseyso ciidan dhinac u raran oo aan isu’dheelii tirnayn khatarna ku noqon kara Amniga, Xasiloonida iyo Wadajirka dalka” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Shirweynaha Wada-tashiga Puntland oo taladadii shalay kusoo idlaaday Garoowe.
Sidoo kale, Qoraalkaas ayaa lagu sheegay in Shirweynuhu xukuumadda Puntland ugu baaqayo, in ay la-xisaabtan adag la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha ku gacan-siiya Tababarka ciidamada.
Puntland ayaa eedeyn iyo khilaaf joogto ah kala hor imaneysay dhamaan madaxdii soo martay Dowladda Federaalka marka laga reebo Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka soo jeeday Puntland.
Horufadhi News.