WARARKA SOOMAALI

Puntland oo tiradii ugu badneyd Maanta xukun dil toogasho ku fulisay

Waxaa maanta oo Axad ah lagu toogtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gonbolka Mudug dhinaca xiga Puntland 21 xubnood oo horay ugu tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab, lana soo qabtay.

Xubnahan oo dhammaantood rag ahaa ayaa isugu jiray Saraakiil iyo malleeshiyaad dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Gaalkacyo iyo qeybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Waxaa  sidoo kale magaalada Garoowe isla saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab,  halka magaalada Qardhana lagu toogtay hal xubin oo Al-Shabaab ahaa.

Maamulka Puntland ayaa wacad ku maray in caddaaladda la marsiindoono Qof kasta ee kamid ah Kooxaha Argagixisada ama gacan ku siiya falalka arxandarada ah ee lagu leynayo dadka shacabka ah .

SOMALI NEWS

To Top