Garoowe (HM)-Ciidamada Booliiska maamul gobaleeedka Puntland ee gobalka Bari ayaa sheegay howlgalo ay ka sameeyeen gobalka Bari in ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Kooxda Daacish iyo gaaadiid ay wateen.
Qoraal kooban oo taliska booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay in xubnahaan ay haatan gacanta ugu jiraan hay’addaha amniga ku socdo baadhitaano. Lama sheegin qorshaha ay maleegayeen iyo sababta lagu xaqiijiyay inay katirsan yihiin kooxda Daacish.
Puntland waxay haatan xabsiyada ku haysaa maxaabiis badan oo u xiran dambiyo argigixiso oo ka dhacay Puntland, gaar ahaan Bosaso oo ah halka ugu badan oo ay ka dhacaan qaraxyada iyo ugaarsiga lagu hayo masuuliyiinta Puntland.
Daacish waxay xarumo lagu tababaro dagaalamayaasheeda ku leedahay buuraha Cal-miskaad, waxayna ugu magac dareen hoggaamiyihii kooxda Daacish ee la dilay Ababukar Albaqdaadi iyo sarkaal kale oo xubin muhiim ah ka ahaa kooxda.
Horufadhi News